Xog: Madaxweyne Farmaajo Oo La Siiyey Jinsiyad Dal Kale

December 2, 2019 (Awdinle Online) –Xog aan 0ka helnay xafiiska Madaxweynaha jamhuuriyada somaliya mudan maxamed cabdulaahi  farmaajo ayaa cadeeneysa in Madaxweynaha uu helay jinsiyada Labaad kadib midi uu Mareykanka ka heystay uu bilo ka hor iska celiyey.

Xogta  Awdinle Online Heshay ayaa muujisey in Farmaajo uu Turkiga ka helay Dhalashada Dalkaasi,hadii uu ku hungoobana doorashada dambe uu halkaasi iska xaadirin doono.

Warqadan aan ku helay si qarsoodi ah ayaa muujisey in ay cadeyn u tahay Dhalashada Dalka Turkiga in lagu siiyey Madaxweyne farmaajo.

Turkiga ayaa aad usoo dhaweeyey Soomaalida,waxaana Dalkaasi uu yahay mid Soomaali badan ay tagayeen waayihii lasoo dhaafay .

Hadaba wararka waxay sheegayaan in jinsiyada Labaad Ee Madaxweyne Farmaajo lasiiyey uu ku qaadan doono bilo ka dib Baasaboorkiisa

Warqadaan  an idinla wadaaqnay ayaa cadayn u ah in (Muwaadinka Turkiga) uu ku heli karo wax walbo oo Dalkaas ah.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com