Kulan ku saabsana ka Faa’ideysiga Masharuuca (ILED) oo baydhabo ka dhacay:- (Sawiro)

December 3, 2019 (Awdinle Online) –Shir looga hadlayay sidii looga Faa’ideysan lahaa Masharuuca (ILED) oo ay Maal geliso Midowga yurub ayaa manta ka qabsoomey Magaalada Baydhaboee xarunta gobalka bay

Kulanka waxana ka soo qeyb galey ururada Biilshada ra’idka ,Guddomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose,Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Konfur Galbed Somaliya .

Ahmed Madoobe Nuunow  wasiirka wasaaradda  Qorsheynta Dowlad Goboleedka Konfur Galbed Somaliya . ayaa shir shir Gudoomiyay  kulankan .

Ujeedada Shirka ayaa ah sidii loogu faa’ideysan lahaa Masharuucan ILED oo inta badanLooga tala galey in lagu caawiyo ddaka ku nool deegnada  Gobolka Shabeelaha hoose kaasi kor loogu qaadeyo kobcinta dhaqaalaha , wuxuuna Socon doono Mudo Afar sanno ah.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Dowlad Goboleedka Konfur Galbed Somaliya mudana Ahmed Madoobe Nuunow  ayaa Sharaxaad kooban ka bixiyay  Masharuucan .

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com