Tirada hantidii uu ka tagay Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe oo la ogaaday

December 3, 2019 (Awdinle Online) –Wargeyska  lugu magacaabo Herald ayaa qoray in Robert Mugabe Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe oo dhowaan geeriyooday uu ka tagay lacag gaaraysa 10 milyan oo doolar sida lagu sheegay

Mugabe oo geeriyooday bishii September ayaanan helin wakhti uu ku qoro dhaxalkiisa, taasoo sababtay in dowladda ay qaado tallaabo lagu baadigoobayo hantidiisa iyo inta dhan tahay.

Bona Chikowore oo ah gabadha Mugabe ayaa bishii October shaacisay inuu aabaheed ka tagay $10 milyan oo dollar, afar guri iyo beero ku yaala baadiyaha uu ka soo jeedey, isagoo sidoo kale lahaa 10 gaari.

in ka badan 30 sano ayaa  xilka hayay han tididiisa ay aad u yar tahay marka la eego keligii taliyeyaashii soo afrika intooda badan oo markii ay dhinteen la ogaaday balaayiin dolar oo ku qarsadeen bangiya .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com