Wafdi ka Socda Hay’adaha PACT Iyo USAID Oo La Kulmay Wasiirka Cadaaladda

December 3, 2019 (Awdinle Online) –Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Xukuumadda Soomaliya oo ay wehliyaan howl wadeeno ka tirsan Wasaaradda ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Hey’addaha USAID iyo PACT,

Kulanka ayaa looga hadlay sidii garsoorka dalka sara loogu qaadi lahaay gaar ahaan adeegyadda:- Habka Xallinta Khilaafka ADR, Kaalma Sharciyeedka iyo sidii kor loogu qaadi lahaay aqoonta dhinaca sharciga.

Dhamaan qodobadii ay kulanka uga wada hadleen ayaa la sheegay inay  si buuxda la isugu afgarteem,sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib u habeyn ballaaran ku sameyn doonto Garsoorka dalka.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com