Xukuumadda Oo Bilawday Bixinta Ruqsada Nootaayoyinka:- (Sawiro)

December 3, 2019 (Awdinle Online) –Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya   ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay Imtixaanka Ruqsada bixinta Nootaayanimada, kaas oo ay imtixaan u galayaan ku dhowaad 40 qof oo doonaya in ay helaan Ruqsada Nootaayanimada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, ayaa tilmaamay in Imtixaankaan uu ku soo aadaayo mudDo 30 sano ah kadib in laga hirgaliyo si hufan oo loo siman yahay dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay Guddiga soo diyaariyay imtixaanka oo ka koobnaa ilaayo 3 hay-adood oo kala ah Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka, Maxkamada Racfaanka iyo Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

wasiirka ayaa  kula dar-daarmay, sharciyaqaanada nasiibka u helay in ay galaan Imtixaanka maanta, hadii ay ku guuleystaan ay masuuliyadda hantida umadda ay amaano ku tahay madaama ay dukumiintiyo muhiim ah ay u kala wareejinayan muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna muhiim tahay ilaalinta bad-qabkooda in la ilaaliyo Laguna ilaaliyo sifo sharciga waafaqsan.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com