Alshabab Oo La Wareegtay Gacan Ku Heynta Deegaanka  Dhicise Ee Dalka Kenya

December 4, 2019 (Awdinle Online) –Xalay saqdii dhexe ayaa lala wareegey gacan ku heynta deegaanka Dhicise waxaana la wareegay Dagaal yahno  Al-Shabaab waxaana  lagu soo warramayaa in oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Gaarisa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

War ka soo baxay Al-Shabaab, laguna baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliska dalka Kenya ay ka qabsadeen deegaankaasi, islamarkaana ay dab qabad siiyeen xarun ay shirkadda Safaricom ku laheyd halkaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay saanad Milatari ka soo qaadatay saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Dhicise, sida ay hadalka u dhigtay.

“Dagal yahnadeena ayaa howlgal ay ka fuliyeen dhulka NFD waxay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dhicise oo dhaca duleedka degmada Gaarisa, ciidamada  Kenya ayaa isaga firxaday deegaanka kadib markii ay ubabac dhigi waayeen awooda Dagal yahnadeena” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.”

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Booliska dowladda Kenya oo ku aadan weerarkaasi, iyadoona haatan xaaladdu ay kacsan tahay.

Dagaal yahnada Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaada gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka labada dal.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com