Sawiro:- Itoobiya iyo Mareykan oo gaarey Heshiis Dhismaha Ciidanka Badda Itoobiya

December 4, 2019 (AO) – Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Dowladda Mareykan ayaa gaarey heshiis aad i balaaran oo ah dhinaca difaaca iyo nabadgeliyadda.

Wasiirka gaashaan dhiga Dowladda Itoobaliya Lama Magesa, Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Generaal Aadan Maxamed iyo Saraakiisha Hogaanadda kala ee Difaaca dalka ayaa safar ku tegey Magaaladda Washington, si loo xoojiyo xiriir dhicanaca difaaca iyo nabadgeliyadda ee ka dhaxeey Itoobiya iyo Mareykanka.

Shirarkan u dhaxeeya labada dhinac ayaa qaadan doona sedax maalmood, waxaana jiri doona heshiisyo la kala saxiixan doono oo ay ka mid yihiin in dowladda mareykanka ay si buuxda u dhisto Ciidan badda Itoobiya oo saldhigooda ugu horeeyan uu noqon doon dalka Jabuuti.

Safiir Dowladda Itoobiya u fadhiya Washington Fitsum Arega ayaa sheegey in la cusbooneysiin doono heshiisyo hore oo uu ka mid yahay la dagaalan ka argagaxisadda.

Halkan ka daawo sawiradda.