Xasan Sheikh” Maalintii ay Maxkamadda ICJ ku dhawaaqday iney qaadeyso dacwadda Badda waan la ilmeeyay

December 4, 2019 (Awdinle Online) –Xasan Sheikh MaxamuudMadaxweynihii hore ee Soomaaliya  oo ka hadlayay waxqabadka maamulkiisii ayaa sheegay in waxa mushkilad aan caadi ahayn ku noqday oo xittaa uu la ilmeeyay ay ahayd dacwadda Badda markii ay geyynayeen Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in Labada dalba markii ay geeyeen dacwadda Badda,Maxkamadda xaq uma lahayn iney qaado dacwadda,islamarkaana taasi ay ku abuurtay wal wal iyo baqdin ku aadan in Kenya oo ah dal awood badan si xoog ah kula wareegto qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya oo uu muran ka taagan yahay.

” Tii Maxkamadda ee Arrinta Badda caadi ma ahayn,dacwadda markii aan annaga geynayo Kenyanna ay geysay Maxkamadda xaq uma lahayn iney dacwadaha qaado mushkilad aad u weyn oo wal wal badan nagu heyso ayay ahayd,maxaa yeelay Maxkamadda dacwaddan xaq uma lihin mana qaadi karno hadey dhacdo annaga wax kale nooma furneyn,awooddeena Dowladnimo maanta ma saamaxeyn inaan badda soo dhacsano,Maxkamadda waxay noo ahayd runtii walina tahay gaashaan,” ayuu ku yiri wareysi uu bixiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in maalintii ugu horeysay ay Maxkamadda ku dhawaaqday iney dacwadan qaadi karto ayna qaadeyso uuna ka daawanayay Telefishinka oo si toos ah looga baahinayay inuu ilmeeyay kuna farxay go’aanka Maxkamadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyay ineysan Bulshada u soo bandhigin halka ay mareyso dacwadda, go’aamada is xig xiga ay gaareyso Maxkamadda iyo damaca Kenya ee Kiiskan.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya mar kale dib ula soo laaban doono dhulkeeda Badda ee ay ku heysato Kenya waliba si dastuuri ah.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com