Golaha amaanka oo muddo kordhin u sameeyay howlgalka ka dhanka ah Burcad Badeedda Soomaaliya

December 5, 2019 (AO) – Qaraarka Golaha amaanka ku ansixiyay muddo kordhinta howlgalka la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya ayaa waxaa uu tirsigiisu yahay 8678.

Dowladda Mareykanka ayaa qaraarkan horgeysay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey waxaana ay ku doodday in Howlgalkaasi sii socoshadiisa Maraakiibta Caalamka ee Ganacsiga iyo kuwa hay’adaha samafalka u suurtagelineyso in ay nabad ku maraan biyaha Soomaaliya.

Warqad ku taariikheysan 22kii November 2019 ayey dowladda Federaalka ah u dirtay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo ay ku codsaneysay in Howlgalka muddo kordhin loo sameeyo iyada oo qaraarkana ay golaha horgeysay Dowladda Mareykanka.