Meydad Yaalla Goobtii Lagu Dagaalamay Maanta & Dawlada Oo War soo saartay

Weli waxaa xaalad cakiran ay ka jirtaa deegaanka ina diideey oo hoostaga Gobolka Mudug maantana ay ku dagaalameen Labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalkaasi waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac,waxaana weli la dareemayaa hub uruursi beelaha ah.

Inta la og yahay 14 Qof ayaa dhintay oo qaarkood meydkooda weli yaallaan goobta lagu dagaalamay oo hoostagta Degmada af barwaaqo Ee Gobolka mudug.

Sidoo kale waxaa jira khasaaro dhaawacyo ah oo ka dhashay dagaalkaasi,odayaal iyo waxgarad ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadaasi dib usoo cusboonaatay.

Gudoomiye kuxigeenka 2aad Ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa uu ka hadlay dagaalka kana codsaday inay xabada joojiyaan maleeshiyaadka miiska wada hadalkana la iskugu yimaado.

Deegaanka Ina diideey ee lagu dagaalamay waxaa la isku heystaa dhul halkaasi Beelaha isku qabteen oo dirirta ay ka bilaabatay.

Maleeshiyaadka Beelaha dagaalamaya ayaana dhaq dhaqaaqyo iyo Xiisad hor leh laga dhex dareemayaa,kuwaas oo gurmadyo ay soo kala gaareen.