Sawiro:- Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Hoygiisa ku Qaabilay Danjira Dowladda Imaaraad

December 5, 2019 (AO) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa saaka aroortii hore hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabilay Danjira Dowladda isu-taga Imaaraadka Carabta Maxamed Axmed Al-Cuthmaan Xamaaddi ku qaabiley.

Arintan ayaa ah mid aan hore u dhici jirin, maadaama uu waayahan dambe xumaa calaaqaadka labad dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Qoraal lasoo dhigey baraha warbaahinta ee ay isticmaasho Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegey in laga wada hadley sidii loo wanaajin lahaa xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dal ee waayahan dambe mugdiga ku jirey.

Waxaa xusid mudan in danjirihii soomaaliya ay u magacowdey imaaraadka Carabta aan weli la aqbalin, xiligii laga magacaabeyna ay soo wareegatey mudo ka badan afar bilood.