Duqa Magaaladda Baydhabo oo digniin ka soo saaray

December 6, 2019 (AO) – Maamulka Degmada Baydhabo ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa digniin kasoo saarey qashin uu sheegay in lagu daadiyo Wadooyinka Magaaladda Caasimada ku meel gaar ah Koofur Galbeed Soomaaliya.

“Maamulka Degmada Baydhabo ayaa waxaa uu Ogeysiineyaa Dhamaan dadweynaha ku nool magaalada baydhabo in ay ka qayb qaataan bilic soocelinta iyo Nadaafadda degmadda Baydhabo.

Sidaasi daraadeed laga Bilaabo maanta oo jimco ahi kuna beegan 06/12/2019 cid allaale cidii qashin kusoo daadisa gudaha magaaladda, wadooyinka, xarumaha ganacsiga hortooda, suuqyadda, waxa ay mutaysan doonaan ganaax lacageed iyo mid xabsi intaba” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Koofur Galbeed.

Halkan ka Akhriso Warqadda Digniinta ah.