Dowladda Djibouti oo u Sharaxan Kuriga Afrika ee Golaha Amaanka

December 7, 2019 (AO) – Dowladda Jamhuuriyadda Djibouti ayaa si rasmi ah u sjaacisey in ay u sharaxan tahay kusiga wareegtadda ah ee africa ay ku leedahay Golaha Amaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa.

Jamhuuriyadda Djibouti waxaa tartanka kula jira Dowladda Kenya oo iyaduna aad u daneyseysa in ay ku fadhiisato kursigan.

Dowladda Djibouti waxaavsi toos ah u garan taagan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay xulufo yihiin had iyo jeeba.

Djibouti waxaa ay balan qaadey in ay qeyb weyn ka qaadan doonto xasiloonidda iyo nabadgeliyadda Qaaradda Afrika, hadii ay ku guuleysato kursiga.

Mudada xilka kursigan ayaa ah hal sano 2021 ilaa 2022 oo lagu malati doona dowladaha afrikaanka oo dhan.

Ololaha xooggan ee Djibouti ay ku jirto ayaa laga dareemey xaruunta midowga Afrika ee Addis Ababa iyo xaruunta Qaramadda midoobey ee New York.

Danjiraha Jamhuuriyadda Djibouti u fadhiya Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysan Ambassador Maxamed Siyaad Ducaale ayaa ku jira dadaal aad u balaaran oo ah sidii dalkiisu ku heli lahaa kursigan Golaha Amaanka ee afrika oo dhan oa dhaxeeya.

Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ay Dowladda Djibouti waxaan u rajeysey in ay ku guuleysato kursiga insha allaa.

Halkan hoose ka eeg warqadaha Jamhuuriyadda Djibouti ay isku sharaxdey.