DPM Mahdi Guuleed: Mudo Xileedka Dowladda aad buu noogu yar yahay

December 7, 2019 (AO) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa sheegey in ay khalad weyn uu ka jiro mudo xileedka dowladda federaalka ee 4ta sano ah.

Mahadi Guuleed oo ka hadlaayey shir siyaasadeed ay dowladu soo abaabushey ayaa yiri sidan “Anagoo eegeyna dalal waa hore tagay sida Mareykanka ayaan muddo xileedka dowladda ka dhignay Afar sano waa inaan ka fikirnaa muddo xileedka nagu haboon 5 sano 6 ama 7 sano, uma hadlayo dowladda madaxweyne Farmaajo ee hadda xilka heysa laakiin si mustaqablka loo helo xasilooni dhaqaale waa in la helaa xasilooni siyaasadeed” Ra’isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya”

Waxaad moodaa in madaxda Dowladda Federaalka ay si aad ah dooneyso wakhti dheeri ah, maadaama ay saluugsan yihiin wakhitiga shaqadooda ay ku egtahay.