Hogaanka labada aqal ee Baarlamaanka oo isku raacay in la dheereeyo dooda shirciga Doorashooyinka

December 7, 2019 (AO) – waxaa ayaamahaba socdey dood aad u xoog badneyd oo ay lahaayeen labad aqal ee baarlamaan federaalka ah ee soomaaliya.

Doodan ayaa ku saabsaneyd sharciga doorashiiyinka iyo qaabka uu noqo karo, sida xildhibaanada loo soo dooran doono 2020 iyo sida ay noqoneyso doorashada madaxweynaha ee dhici doonta horaantan sanadka 2021.

Horaantii bishii September ee isla sanadkaan waxaa uu gudoonka sare golaha shacab uu magacaabay gudi kasoo talo bixiya nidaam iyo qaabka ay noqoneyso doorasha soo socota.

Gudiga ayaa safaro u aadey dhamaan maamul gobakeedyadda dalka si uga talo geliyaan qaabka doorashooyinka soo socda ay noqonayaan, dhamaan maamuladda gobaladda ayaa isku raacay in loo noqdo qaab kii hore ee heshiiska lagu ahaa iyo deegaan doorasho in ay xildhibaanadu aadaan, madaxweynuhuna ay soo doortaa labada gole ee baarlamanka sida uu qabo qodobka 89 ee Dastuurka Soomaaliya.

Waxaa jira in baarlamaanka badan kood ay doonayaa deegaan doorasho qaab ergooyin ah ama odey dhaqameed ah, dhinaca kalena dowladu ay daneyneyso in nidaam xisbiyo ay u rabo in xildhibaanadu ay ku yimaadaan.