Ka Doodista Sharciga Doorashooyinka Dalka Oo Meel Xasaasi Ah Maraya

December 7, 2019 (Awdinle Online) –Maanta oo Sabti ah kulankooda caadiga ah ee Golaha Shacabka  Baarlamaanka Federaalka somaliya oo ku yeelanaya xaruntooda KMG, iyagoo uu weli hor-yaala ajandaha sharciga doorashooyinka Qaran ee heer Federaal.

Sharcigan oo akhrinta labaad maraya ayaa waxaa doodiisa ay soo bilaabatay maalintii Arbacada, iyadoo siyaabo kala duwan ay Xildhibaanada uga hadleen sharciga doorashooyinka.

Dooda Xildhibaanada ayaa waxaa mararka qaar laga dareemayay inay ku kala aragti duwanaayeen Sharciga doorashooyinka qaran, gaar ahaan Xildhibaanada ku dhow dhow Xafiisyada ugu sareeya dalka.

Howlwadeenada Baarlamaanka ayaa sheegaya in dooda ay qaadan doonto illaa todobaad, maadaama ay jiraan Xildhibaano is qoray oo aragtidooda ka dhiibanaya sharcigan, isla markaana marka la soo gabagabeeyo dooda cod loo qaadi doono, si loo ansixiyo sharcigan.

Xildhibaanada ayaa su’aalo ka keenay qodobada qaar ee sharciga doorashooyinka ee wax ka bedelka ay ku sameeyeen Xildhibaanada, waxaana qaarkood soo jeediyeen in meelaha qaar la caddeeyo.a ay ku sameeyeen Xildhibaanada, waxaana qaarkood soo jeediyeen in meelaha qaar la caddeeyo.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com