Soomaaliya oo si toos ah u taageertay ka mid noqoshadda Djibouti ee Golaha Amaanka

December 7, 2019 (Awdinle Online) – Dowladda Frderaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u taageertay musharaxnimada Djibouti ee kursiga aan joogtada ahayn ee 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobey.

Go’aanka Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa shaaca ka qaaday danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale) oo ka qeyb galay munaasabad ka dhacday dalka Mareykanka oo Dowladda Djibouti ay si rasmi ah ugu dhowaaqday ololaha ay ku dooneyso kursiga afrika oo dhan ka dhaxeeya 2021/2022

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in markii Soomaaliya ay ku jirtay dhibka aysan Djibouti dhinac ka istaagon balse ay ka qaadatay kaalin muhiim ah hanaanka dib u dhiska nabadda Soomaaliya.

Dajiruhu Waxa uu sheegay in Djibouti is garab istaag wanaagsan iyo kaalin mug lehba ay ku lahayd go’aankii golaha ammaanka ee QM uu Soomaaliya ugu soo diray ciidamadii caalamiga ahaa ee nabad ilaalinta ee UNISOM, markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya ee xiligaasi jirtey.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in Djibouti ay qabatay shirkii ugu horeeyey ee nabad ilaalin ah oo Soomaaliya loo qabto, bishii June ee sanaddii 1991-kii.