Roobabkii Ka Da’ay Puntland Oo Dad Lagu La’Yahay

December 8, 2019 (Awdinle Online) –Wararka naga soo gaaraya degaannada dhaca xeebaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa roobabka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyadeed.

Deegaanada uu roobka ka da’ay ayaa waxaa kamid ah degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, waxaana lagu soo waramayaa inay halkaas ku rogmadeen dad xoogan, kuwaasi oo ka dhashay roobabkii da’ay.

Dadka deegaanka Degmada Laasqoray oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in daadadka ku soo rogmaday degmadaas ay qaadeen laba ruux, kuwaasi oo weli la la’ay, isla markaana uu socdo baadi goob.

Sidoo kale daadadka ka dhashay roobabka ayaa gooyay waddooyinkii soo galayay iyo kuwa kabaxa Laasqoray, waxaan haatan degmadaas lagu soo waramayaa inay ku jirto xaalad Go’doon ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaar kamid ah dadka deegaanka ay guryihii ay deganaayeenay isaga baxeen, kadib markii ay buux dhaafiyeen biyaha Roobka.

maalmihii la soo dhaafay deegaano badan oo ka tirsan Puntland ayaa waxaa ku dhuftay roobab dabeylo watay, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka halkaas ku dhaqan, waxaana roobabka ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com