TALIYA QEYBTA BOOLIISKA NUGAAL IYO KU XIGEENKIISA OO SHAQADII LOO FASAXAY

December 8, 2019 (Awdinle Online) –Sarreeye/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse  Taliyaha  Ciidanka Booliiska dowladda Puntland, ayaa shaqadooda u fasaxay Taliya Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Mu’min Cabdi Shire (Ina-madaxweyne)  iyo Ku xigeenkiisa Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale (Suleembe).

Gen Muxiyadiin ayaa Arbacadii la soo dhaafay oo ku beegneyd 4-tii bishaan December, waxa uu shaqada ka joojiyay Taliya Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Mu’min Cabdi Shire, kadib khilaaf soo kala dhex-galay labada Taliye.

Sarreeye/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa shaqa-joojinta u cuskaday amar-diiddo uu sheegay in uu sameeyay Col. Mu’min Cabdi Shire, balse ilo’ ka agdhow Jananka ayaa xaqiijiyay in labada Taliye uu khilaaf hoose ka dhex jiray.

Sidoo kale, Taliyaha Booliiska ayaa maalin kadib shaqada ka joojiyay Taliye xigeenka Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale (Suleembe) oo uu isagana ku eedeeyay in uu amar-diiddo sameeyay.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, ayaa la sheegay in ay markii dambe xalliyeen khilaafkii labada dhinac, islamarkaana Taliyaha Booliiska ku qanciyeen in uu shaqadooda u fasaxo, Taliyaha Qeybta iyo ku xigeenkiisa.

Taliyaha Booliiska Puntland, ayaa sidaan oo kale 8-dii June ee sannadkan, waxa uu shaqada ka joojiyay Taliyihii Qeybta Booliiska gobolka Nugaal ee xilligaasi Gaashaanle Sare Cabdixamiid Maxamed Axmed Samakaab (Ina Maxamed Dirir).

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com