Waa imisa Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa Kenya ee Jooga Soomaaliya

December 9, 2019 (AO) – Danjiraha Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya u fadhiya Magaalada Nairobi ee Caasimadda u ah Dalka Kenya, Meles Alem ayaa shaaciyey tirada ciidamada Itoobiyaankan ah ee ku jira howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Danijre Meles oo siiyey wargeyska The Star ee Dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya ay tiradoodu u dhexeso 14,000 illaa 15,000 oo Askari, kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Sidoo kale Danjiruhu waxaa uu sheegay in ciidamadaasi ay ka mid yihiin qeybaha saddexaad iyo afaraad ee howlgalka AMISOM, kuwaas oo ka howlgala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan gobalada Baay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo Galguduud.

Waxa kaloo intaasi ku daray in muhiimadooda koowaad ay tahay, sidii loo burburin lahaa awooda Al-Shabaab oo halis muuqata ku ah guud ahaan xasiloonida gobalka geeska afrika, waa sida uu hadalka u dhigay.

Danjire Meles ayaa sheegay in intii u dhexeysay 2013 illaa 2017 ay Itoobiya ka dhaceen  46 kiis oo la xiriirta argagixisanimo ayna ku dhinteen 361 qof kuna dhaawacmeen 160 qof oo kale, halka Kenya isla xilligaas ka dhaceen 373 weerar argagixiso oo ay ku dhinteen 929 qof kuna dhaawacmeen 1,149 qof iyada oo sidoo kale la afduubtay in ka badan 666 qof.

Dowladda Kenya oo sidoo kale qeyb ka ah dagaalka Al-Shabaab ayaaa waxaa lagu qiyaasaa ciidamada ka jooga Soomaaliya 2,500 ilaa 5,600 oo Askari,waxaana ay qaabilsan yihiin gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya, sida Jubbada Hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo oo dhammaan hoostaga maamulka Jubbaland.

Waxaa xusid mudan inaan weli laga guul gaarin baahidii Soomaaliya loo keene intaasi oo ciidan ah.