Dableydii Weerartay Totel SYL Oo La Toogtay

December 10, 2019 (Awdinle Online) –Waxaa weli rasaas laga maqlayaa gudaha Hotelka SYL ee ku yaalla Magaalada Muqdisho oo Caawa weerar ay ku qaadeen rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

Tirada dableyda Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday Hotel SYL ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 5 kuwaas oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacmaha laga tuuro.

Sida uu xaqiijiyey sarkaal ka tirsan saraakiisha ku howlan sidii loo soo badbaadin lahaa dadka meesha ku go’doonsan, waxaa la toogtay Seddex ka tirsan dableyda Al-Shabaab iyadoo ay weli hotelka dhexdiisa ka dagaalamayaan laba tirsan Al-Shabaab.

Labada dabley ee ka tirsan Al-Shaab ee weli ka dagaalamayo Hotelka ayaa la sheegay inay galeen meel shub ah oo ay kasoo ridayaan rasaas iyadoo ay ciidamada Dowladda weli ku howlan yihiin sidii ay usoo afjari lahaayeen.

Xilliga weerarka lagu soo qaaday Hotelka SYL ayaa la sheegay in casho sharaf loogu sameenayey qaar ka tirsan odayaal dhaqameedyadii lagu marti qaaday kulankii Maanta lagu caleema saaray Guddoonka Beelaha Habargidir.

3 ka tirsan odayaal dhaqameedyadii halkaas casho sharafta loogu sameeyey ayaa la sheegay inay ku dhinteen gudaha Hotelka halka Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu ku dhintay rasaasta ka socoto Hotelka.

Sidoo kale dad badan oo Shacab ah oo aan weli tiradooda la helin ayaa ku dhintay weerarkaas, iyadoo dhinaca kalana ay ku dhaawacmeyn illaa 2 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka Hotelka ku dhintay ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Garsoore ka tirsan Maxkamadda Racfaanka oo la sheegay inuu dhawaan ka imaaday dalka Sacuudiga.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa weli isisoo tarayo, waxaana marba marka ka dambeeyo lasoo sheegayaa dhimasho iyo dhaawac cusub maadaama weli ay socoto rasaasta.

Ragga hubeysan ee galay gudaha hotelka ayaa ku socday lugta taasoo ah xeelad cusub, iyadoo la ogyahay in Al-shabaab marka ay fulinayaan weeraradan oo kale ay adeegsan jireen gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo ay ku furan jireen albaabka hotelka ama dhismaha ay weerarayaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaan, waxayna sheegeen inuu u dhacay sidii loogu talagalay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com