Degmada Wanlaweyn Oo Toogasho Loogu Geystay Laba Qof

December 10, 2019 (Awdinle Online) –Wanlaweyn ee gobolka Sh/Hoose.Wararka KA soo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo fiidkii hore ee xalay ka dhacay degmada

Sida wararku sheegayaan, weerarka waxaa geystay rag ku hubeysan qoriga AK-47, iyagoo toogasho ku dilay nin lagu magacaabi jiray Cusmaan Cirbad oo ahaa Macalin wax ka dhigga Dugsi Caruurta lagu baro Qur’aanka Kariimka.

Weerarka waxaa sidoo kale dhaawac loogu geystay nin kale oo ay wada socdeen xiligaasi qofka la dilay oo u muuqday inuu ahaa bartilmaameedka weerarka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wanllaweyn ee gobolka Sh.Hoose ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in weerarkan uu salka ku hayo arrimo la xiriira aanooyinka Qabiilka oo mudooyinkan ku soo noq noqday magaalada.

Xaalada magaalada ayaa ah maanta midd egan waxaana socda dadaalo ay wadaan Odayaasha deegaanka oo ay doonayaan iney ku baajiyeen falal kale oo aargoosi la xiriira oo ka dhacay aagga dilka iyo dhaawaca loogu geystay dadka Shacabka ahaa.

Maalo ka hor maleeshiyaad hubeysan ay Wanllaweyn ka dhaceen Gaari,hayeeshee Ciidamada Amniga degmada oo ku baxay ay kasoo celiyeen.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com