Dhageyso :-Laftigareen Oo La Kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya:- (Sawiro)

December 10, 2019 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa maanta Xafiiskiisa uu Ku qaabiley Wafdi Ka Socdey Qaramada Midoobay .

 

Wafdiga waxaa hugaaminayay  Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya Amb. James Swan  waxaana  Garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo xubno kale.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa masuuliyiinta Uga warbixiyey Xaaladda guud ee Koonfur galbeed, Waxaana uu Ka codsadey madaxda Qaramada Midoobay ee  Soomaaliya In ay sii laba jibaaraan dadaalada ay ka wadaan Koonfur galbeed.

 

Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya  ayaa  balan qaadeen in Koonfur galbeed Soomaaliya Ay Tix-gelin gaar ah siin doonaan.

Kulanka  ayaa qaatay muddo badan waxaa ugu dambeyn lagu soo hadal qaaday Arrimo la xiriira doorashooyinka sanadka 2021  iyo xoojinta amniga

 

Kulanka  markuu soo idlaaday waxaa Warbaahinta ka hadley Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com