Hoggaamiyihii weerar ka dhacay Wajeer oo la soo bandhigtay Xogtiisa

December 10, 2019 (Awdinle Online) –Macluumaad ku saabsan ninkii hoggaaminayay weerar Jimcihii ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya  ayaa la soo bandhigay.

War ka soo baxay sirdoonka Kenya ayaa lagu sheegay in Maxamed Xuseen Xasan uu ahaa ninkii hoggaaminayay weerarkaas oo lagu dilay dad isugu jiray Saraakiil Ciidan iyo dad Shacab ahaa, iyadoo gaarigii ay saarnaayeen wadada loo galay.

Maxamed Xuseen Xasan, ayaa la sheegay inuu hore u ahaa Macalin wax ka dhigga Dugsi Hoose oo ku yaala Wajeer, kaasoo markii danbe ka tagay Macallinnimada wuxuuna ku biiray Al-Shabab isaga oo aaday gudaha Soomaaliya, waana meesha uu tababarada ku soo qaatay.

weerarkan waxaa lagudilay 11 qof oo 8 kamida ay yihiin Saraakiil Ciidan, waxaana dhexda u gashay 15 dagaalame oo Shabaab ah, iyadoo gaariga oo ka baxay Nairobi, kuna sii jeeday Mandhera lagu helay inta u dhaxeysa Katuulo iyo War-guduud.

Baska oo ay saarnaayeen 56 qof, ayaa waxaa jira dad ka badbaaday oo Saraakiil ay ku jireen, halka dadkii Muslimiinta ahaana ay fasaxeen Kooxda, maadaama ay u kala saareen Kirishtan iyo Muslim.

Ururka Al-Shabaab ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay gudaha dalka Kenya, waxayna dhawr jeer ka fuliyeen gudaha Kenya weeraro khasaaro badan geystay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com