Kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhex Dagaalameysa Hotel u Dhow Madaxtooyadda DF

December 10, 2019 (AO)- Kooxda Al-Shabaab ee mucaaraddka ku ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weerar gaadmo ah kula wareegtey Hotel SYL oo ku yaala kasoo horjeedka Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ee magaaladda Muqdisho.

Hotel SYL waxaa caawa ku sugnaa xildhibaano, Wasiiro iyo howlwadeeno fara badan oo ka mid ah shaqaalaha howladda Soomaaliya, sidoo kale waxaa Caawa Casho ku lahaa odeyaal dhaqameedyadda Beesha Habar-Gidir oo maanta hogaan cusub u doortey Prof Shirwac.

Ilaa iyo hadda waxaa socda rasaas aad u xoog badan oo ay is dhaafsanayaan kooxda Al-Shabaab iyo Ciidamadda Ilaalada Madaxtooyadda Villa-Somalia.