Qarax Ciidamo ka tirsan AMISOM lagula eegtay Magaaladda Muqdisho

December 10, 2019 (Awdinle Online) –Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Wararka naga soo gaarayo ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay Qarax laga maqlay xaafado badan oo ka tirsan Magaalada.

Qaraxaas ayaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayey wadada General Daa’uud ee kala qeybiso degmooyinka Yaaqshiid iyo Wart Nabadda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo in Qaraxaas loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxo sida ay  sheegeen dad goob joogayaal ah inkastoo warar kalana ay sheegayaan inuu ahaa Qarax meesha lagu diyaariyey.

Qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas culus ooda ka qaaday Ciidamadii AMISOM ee weerarka lala eegtay waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaaro ka dhashay Qaraxa iyo rasaasta ay ciidamada AMISOM rideen.

Xaaladda Jidka General Daa’uud ayaa weli kacsan, waxaana xirtay Ciidamada AMISOM oo u diiday dadweynaha iyo Gawaarida inay halkaas maraan maadaama lasoo sheegayo in mid kamid ah kolonyadii ay wateen ay waxyeelo soo gaartay.

Lma xaqijin karo khasaaraha ka dhashay Qaraxa . 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com