Shir Ku Saabsan Arrimaha  Dastuurka Dalka Oo Baydhabo Ka Furmay:- (Sawiro)

December 10, 2019 (Awdinle Online) –Kulan Farsamo oo u dhexeeya Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dastuurka heer Federaal iyo Heer Dowladaha gobleed ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee Xarunta  gobalka bay.

Kulanka waxaa ka Soo qayb galay agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka  dowlad gobledyda dalka sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir shabelle.

Kulanka ayaa u jeedadiisu tahay in la iska xog waraysto sida ugu haboon ee la iskaga kaashan karo arrimaha farsamo ee ku aadan howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo doorka ay agaasimayaasha guud ka qaadan karaan .

Kulanka ayaa socondoona muddo saddex maalin ah iyadoo lagu lafa guri doono arrimaha farsamo iyo in lagu soo bandhigo heerka uu marayo dib-u-eegista dastuurka dalka  iyo qiimaynta horumarada laga gaaray iyo caqabadaha lala kulmay .

Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha Dastuurka Xukuumadda Feraalka Somaliya  mudane Maxamed Abukar Zubeyr ayaa sheegay in ay muhiim tahay wada shaqynta agaasimayaasha guud ee wasaraadaha dastuurka ee heer federal iyo heer dowla goboleed, si loo kala sooco arrimaha farsamo iyo arrimaha siyaasadda.

“Natiijada laga filayo kulankaan ayaa ah in sare loo qaado wacyiga, fahanka iyo macluumaadka heerarka uumarayo dib-u-eegista dastuurka si la iskula jaanqaado” ayuu yuri Agaasimaha Guud ee Wasarradda Dastuurka XFS Mohamed Abukar Zubeyr.

Cabdullaahi Warsame wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka  dowlad goboleedka Koonfur Galbeed somaliya  oo furay kulanka  ayaa u mahadceliyay agaasimayaasha guud sida ay u aqbaleen marti galinta shirka, waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqaynta agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com