Taliska Booliska Oo Ka Hadlay Weerarka Hoteelka SYL

December 10, 2019 (Awdinle Online) –Sareeye Guuto  Sakiyo Xuseen Axmed Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixisay Koox hubeysan oo weerar ku qaaday Hoteelka SYL ee Magaalada Muqdisho.

“Abbaaro 7dii habeenimo (7pm) ayaa qoladii nabad diidka ah weerar ku soo qaadeen hotel SYL iyadoo 2 ka mid ah lagu dilay hotelka banaankiisa sidoo kalena labo kale haatan ay ciidamada amaanka kula dagaallamayaan gudaha Hotelka” ayay tiri taliye Sakiyo.

Waxa ay intaasi sii raacisay”Ilaa iyo hadda waxay Ciidamada Ammaanka soo badbaadiyeen 82 qof ay isku jira shacab iyo masuuliyiin. Waxaan ka digeynaa in xiriir telefoon lala sameeyo dadka shacabka ah ee lagu tuhunsanyahay in ay gudaha ku jiraan inta hawl galka laga soo afjarayo”

Kooxda hubeysan ayaa Saacado badan ka dagaallamaya Gudaha Hoteelka, waxaana ma mararka qaarkood ay ridayaan bambooyin.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com