Daawo: Xildhibaan Cali Xoosh Qof walba waan inuu Qabiilkiisu aado si ay u soo Doortaan

December 11, 2019 (Awdinle Online) – Xildhibaan Cali Xoosh oo ay deegaan doorashadiisu tahay Puntland,  ka mid ah Taareegiyaasha Culculus ee Xukuumadda  Federaalka ah ay ku leedahay Golaha shacabka ayaa maanta mar uu ka hadlaayey golaha hortooda sheegey arin lama filaan ah oo looga baran xildhibaanka.

Xildhiban Cali Xoosh ayaa yiri “anigu ma rabo in la qaato ama loo codeeyo nidaamka xisbiyada xisbina wadanka kama jiro mana aqoonsani xisbi, waxaan aqoonsanahay 4.5 taas ayaana ah hanaan sax ah oo soomaali isku aami karo”

Mudane Cali Xoosh ayaad moodaa in afkaartiisu ay wax weyn iska bedeleen wuxuuna si toos ah u sheegey in ay khalad tahay doorasho qof iyo cod ah, Soomaaliyana aysan u diyaarsaneyn in qof walba codkiisa uu dhiibto.

Halkan hoose ka Daawo