Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda.

December 11, 2019 (Awdinle Online) – Dalka Itoobiya waa dalka aan laheyn Bad hadana waxaa ay Dowladda Federaalka Itoobiya in mudo ah ay qorsheyneysey in sameysato Ciidan Badeed aan la ogeyn badda ay ka howl geli doonaa.

Asbuucii la soo dhaafay wargeyska Capital of Ethiopia ayaa si cad u sheegey in Ciidan Badda Itoobiya saldhigoodu uu noqon doono meel ka mid ah Xeebaha Jabuuti, hase ahaatee waxaa jira tuhun aad u balaaran oo ay qabaan dalka Soomaaliyeed, maadaama Itoobiya iyo Soomaaliya uu u dhaxeeyey dagaal soo jireen oo kasoo bilowdey 1542kii ilaa iyo hadana aan wax xal waara ah laga gaarin.

Labo maalin ka hor ayey aheyd markii uu Ra’iisul Wasaare Dr Abiy Axmed Cali uu magacaabay Taliyiha Ciidanka Badda Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, waxaana loo magacaabay Admiral Kindu Gezu.

Ciidanka Badda Itoobiya waxaa hada tababar ay ugu maqan yihiin dalalka Russia, USA iyo China tirada tababarka ku maqan waxaa lagu sheegey in gaarayaan ilaa 1,300 askari.