Shaqsiyaad Dhalinyaro U Qori Jiray Al Shabaab Oo Gacanta Lagu Dhigay

December 11, 2019 (Awdinle Online) –Laamaha amaanka Dalka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen koox Al-shabaab u qaabilsanayd  qoridda iyo ka dhaadhicinta dhallinyarada fikradaha AL-shabaab.

Taliyaha ciidanka  Booliska Gobolka Siaya Michael ole Tialaal , ayaa sheegay in ay qabteen kooxda AL-shabaab u qaabilsaneyd qoridda Dhallinyarada xabsigana ku jiraan hadda.

Michael ole Tialaal , ayaa sheegay in Dhallinyarada ay u qoreen qaarkood ay u gudbeen sohdinta Soomaaliya kuna tababaranayaan halkaas.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen dhallinyaro kale oo loo waday dhinaca Dalka Tanzania kuwaas oo halkaas iyana tababar u aaday.

Taliyuhu waxaa uu xusay in ay garteen ragga AL-shabaab u qaabilsan qorista Dhallinyarada degaankaas,haddana qaarkood gacanta lagu dhigay.

Dadka degaanka Siaya ayuu ka codsaday in ay Hay’adaha amaanka kala shaqeeyaan sidii looga  hortagi lahaa falalka lidka ku ah amaanka gobalka .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com