Taliyihii Ilaaladda Gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku Geeriyoodey Hotel SYL

December 11, 2019 (AO) – War iminka naga soo gaarey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegeya in weerarkii kooxda Al-shabaab ay kusoo qaadeey Hotelka SYL uu ku geeriyoodey Taliyihii Ciidanka Ilaalada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre oi lagu magacaabi jirey Maxamuud Ismaaciil Warsame oo loo yaqaaney MUUF.

Taliye MUUF waxaa uu ku geeriyoodey isagoo gudanaaya waajibaadkiisa Ciidanimo iyo badbaadinta Umaadda Soomaaliyeed, waxaa uu ahaa shaqsi ku wanaagsan shaqada, daacadna u ahaa dalka iyo dadka.

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun