Waa kuma Garsooraha ku Geeriyoodey Hotel SYL?

December 11, 2019 (Awdinle Online) – weerarkii caawa fiidkii kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka SYL ee kasoo horjeeda Madaxtooyadda Soomaaliya waxaa ka dhashey qasaare naf iyo maalba leh.

Dad mas’uuliyiinta ah ee ku dhintey waxaa ka mid ah Garsoore C/qaadir Cumar Cabdi oo ka tisanaa Maxkamadda Racfaanka ee Gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Abukaato Baashe Yuusuf Axmed ayaa tacsi u direy ehelada Maxuum Ex-Garoore Cabduqaadir

Wararku Waxaa ay intaas ku darayaan in ay jiraan ilaa 87 qof oo 53 ka mid ah ay xildhibaano ahaaheen oo la soo badbaadiyey.