Maxaa Maanta Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed?:- (Sawiro)

December 12, 2019 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Golaha wasiirada Koofur Galbeed,Waxaana intii uu Socday looga hadlay Arimaha Amniga,Dhaqaalaha,Siyaasada, Hormarinta Bulshada iyo dagaalka ka dhan ah Al shabaab.

 

Golaha Wasiirada ayaa Sidoo kale Shacabka ugu Baaqay inay ka shaqeeyan Sidii Wada Shaqayn Dhow ay ula yeelan lahayeen laamaha Amniga Si looga hortago falal amni darro .

 

Shirka ayaa Sido kale Inta Uu Socday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Uga Mahadceliyey Golaha Wasiirada Shaqada ay uhayaan Shacabkooda isagoona ku Dhiira geliyey in ay Sii laba jibaaran ushaqaynta Shacabka, ay Masuulka u yihiin.

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com