Wax Qabadkii 100 Maalmood Ee Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyed

December 12, 2019 (Awdinle Online) –22 August 2019 Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska iyo Asluubta.

Golaha wasiirrada oo ka jawaabaya soo jeedinta wasaaradaha difaaca, amniga gudaha iyo cadaaladda ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay magagaabista taliyayaasha ciidanka.

Taliyada ciidanka Asluubta waxaa loo magacaabay General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

August 31, 2019 Taliyaha ciidanka Asluubta Somaaliyeed Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan ayaa xilka kala wareegay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe),ka dib markii xaflad lagu maamuusaayey xil wareejintaasi oo ay ka dhacday xarunta Taliska Guud ee ciidanka Asluubta ee magaalada Muqdisho.

waxaa ka qeybgalay munaasabadda Wasiirka Caddaaladda .Xasan Xuseen Xaaaji,Wasiirka Dhalinyarada iyo Sportiga Khadiijo Mazamed Diiriye,  iyo Madaxda maxkamadha dalka iyo marti sharaf kale.

Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) ayaa taliyaha cusub faah faahin ka siiyaya waxqabada ciidanka Asluubta muddadii uu xilka hayay .

“Waxaan dib u dhis ku sameynay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo xarumihii ciidaNKA mudadii an xafiiska joogya,waxaan sidoo kale ciidamada Asluubtu ay dowr muuqda ka qaateen dib u dhiska goobaha taariikhiga ah ah,sida Daljirka Taalada SYL,Xaawa Taako,Dhagaxtuur iyo gooboo kale”. ayuu yiri Bashiir Goobe.

Sareeye Guuto Mahad C/raxmaan Aadan taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay S/guud Bashiir Goobe mudadii uu xafiiska uu joogay waxyaabihii u qabsoomay,isagoo balanqaaday in uu dardar gelin doonon dhameystirka howlaha horyaala taliska.

Sareeye GuutoMahad C/raxmaan Aadan  3rd September 2019  ayaa la kulmay saraakiisha,saraakiil xigeenada iyo guud ahaan Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Kulankasi waxaa looga hadlay dardar galinta howlaha amniga, xanaaneynta , iyo  ka war qabidda maxaabista iyo howlaha.

Taliyaha oo la hadlaayey boqolaal isugu jiray Saraakiil ,saraakiil xigeen iyo ciidanka ayaa kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha ay hayaan ciidanka Asluubta ,isla markaana la sii ambaqaado geedi socodka loogu jiro hiigsiga howlaha kala duwan ee horyaalla ciidanka Asluubta.

4rd September 2019  Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa la wareegay 180 Sariirood oo uu ugu deeqay Dr; Cabdinaasir Cali Maxamed oo ah Dhakhtar ka howl-gala Isbitaal ku yaalla Dalka Jarmalka

Dr; Cabdinaasir,ayaa Sariirahan ugu tala galay Carruurta ku  jirta xarunta Agoonta Afgooye, ee uu Taliska Asluubta Gacanta ku hayo.

Sareeye Guuto; Mahad Cabdirxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ugu mahadceliyay Dr; Cabdinaasir caawimaadda uu u fidiyay Carruurta Agoota ah , isagoo qurba joogta kalana ugu baaqay in ay ku daydaan Muwaadinkan Soomaaliyeed.

 

Sareeye Guuto Mahad Cabdirxmaan Aadan ayaa 24/11/2019  isku Shaandheyn ku Sameeyay Qaar kamid ah Madaxda Hoggaamada Ciidanka Asluubta

1:- G/Sare: Aadan Xuseen Kulmiye Taliyaha Dugsiga Tababarada Ciidanka Asluubta

2:- G/Sare: C/Rashiid Cusmaan Coloow Madaxa Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Asluubta

3:- G/Sare: Nuur Ibraahin Nuur Madaxa Hoggaanka Howlgalinta Ciidanka Asluubta

4:- G/Dhexe DR: Maxamed Yuusuf Shariif Ku- Xigeenka Hoggaanka Caafimaadka Asluubta

5:- S/Guuto:- Xasan Cumar Afrax Madaxa Hoggaanka Sarakiisha Ciidanka Asluubta

6:- G/Sare: Yaxye Cadaawe Caraale Madaxa Hoggaanka Beeraha Ciidanka Asluubta

7:- G/Sare: Xasan Kulmiye Cawaale Madaxa Hoggaanka Qorshaha Tacliinta iyo Tababarada Ciidanka Asluubta .

 

9/11/2019  Sareeye Guuto Mahad Cabdirxmaan Aadan  Waxa uu bilaabay in uu si isxilqaan ah dib ugu Dhiso Gurigii  Taliska Ciidanka Asluubta somaliyed .
Gurigan ayaa ku dhexyaala  Xabsiga Dhexe Ee Xamar.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayuu bubursanaa gurigan .

Waa Talaabo Horay loo Qaaday waana Guul usoo Hoyatay Guud ahaan Ciidanka Asluubta somaliyed .

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaaa 14 bishii November  ayaa lagu wargelyay dadka degen guryihii ciidanka asluubta somaliyed in ka guuran .

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Ayaa wado Qorsho uu Dib ugu soocelinaayo hantidii Ciidanka Asluubta islamarkaasna Si isxilqaan ah ugu looga dhisi doono  .

14 November G/Sare: C/Qani Maxamed Khalaf ahna Madaxa Hoggaanka Gaadiidka Ciidanka Asluubta ayaa loo magcaabay  Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed .

 

12,November ,2019 G/Dhexe: Suleiman Maxamed Axmed (Dulmidiid) ayaa loo magcaabay   Madaxa Hoggaanka Warshadaha & Wax Soosaarka Ciidanka Asluubta .

👉 Markuu Arkay Dadaalkooda
👉 Markuu arkay Waxqabadkooda
👉Markuu uu Arkay Daacadnimadooda
👉Markuu uu Arkay Shaqa Jaceelkooda

Waxaa  Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  28 bishii november Waxa uu Si Rasmi ah u Dalac siiyay Sarakiishan kala ah:-

1:- G/Dhexe:- Cali Sh. Cusmaan Maxamed u Dalacay G/Sare.

2:- G/Dhexe:- Maxamed Xuseen Maxamed u Dalacay G/Sare.

3:- L/X/Le:- Ismaciil Salaad Maxamed u Dalacay Dhamme.

4:- L/X/Le:- Yaasir Maxamed Caqiil u Dalacay Dhamme.

5:- L/X/Le:- Sidoow Macalin Aadan u Dalacay Dhamme.

6:- X/Le:- C/Naasir Bashiir sh. Cali u Dalacay L/X/Le

7:- Muxudiin Daahir Cali u Dalacay L/X/Le

8:- K/S:- Daahir Yuusuf Xasan u Dalacay X/Le

 

6 , November  Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Sareeye Guuto Mahad Abdirahman Adan ayaa  kulan la qaatay safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya soomaaliya  waxayna  ka wada hadleen xiriirka Ciidamada Asluubta ee labadda Dal.

 

30,Oktoobar  waxa uu la kulmay taliyaha  wafdi ka socday hay,adda United Nations Industrial Development Organisation-UNIDO.

 

Inka badan sagaal bilood wax mushaar ah ma aysan qaadan ciidanka asluubta somaliyed ee gobalka bay kadib markii la magacaabay Sareeye Guuto Mahad C/raxmaan Aadan maalmo ka dib wuxuu si deg deg ah ku amray in  mushaaradkooda  loo diro ciidanka asluubta gobal bay mudo kooban ka dibna way gaartay lacagtooda ciidankaas .

 

November sedexdii  Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guuto  Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa tababar u furay dhalinyaro ku soo biireysa ciidanka asluubta.

Taliyaha ayaa kula dar daarmay ciidanka in ay ka qeyb qaataan ciribtirka dagaalamayasha Shabaab.

Taliye Mahad C/raxmaan Aadan Mudadii boqolka maalmod uu xafiiska joogay waxaa lagu xasuusta hadal can baxay .

 “Dhalinyaro nadiif ayaan rabnaa oo 18 jir illaa 25 ah, nimanka da’da ah oo farsamada lagu soo qoray xoogaa farsamadooda ayay ku faanayaan waan u dulqaadaneynaa, laakiin kuwo il la shub’ kuwa, lugo la shub’ iyo kuwa gacmaha la shub”ayuu yiri Mahad C/raxmaan.

Hadalkas ayaa ka jeediyay Munaasabad uu kula hadlayay ciidan cusub .

Hadalka  Taliyaha ciidanka  Asluubta ayaa dhaliyay dood kala duwan.

 

Sareeye Guuto Mahad C/raxmaan Aadan ayaa tababar u furay dhalinyaro ka mid noqonaysa ciidanka asluubta somaliyed .

Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidanka asluubta  iyo labadiisa ku xigeen,

Taliyaha ciidanka asluubta somaliyed  Sareeye Guuto Mahad C/raxmaan Aadan  oo la hadlay ciidankii tababarka u furay wuxuuna ku booriyay inay ka faa’iideystaan tababarka la siinayo, una adeegan bulshada.

Ciidamadan Tababarka loo furay ayaa noqonaya dufcadii koowad  ee Ciidanka asluubta somaliyed waana tiradii ugu badnay abid burburkii ka dib  tabar loo furo

 

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guuto Mahad C/raxmaan Aadan  ayaa  kormeeray gurigii Ciidanka asluubta Soomaaliyeed, oo dib u dayactir lagu wado .

Taliyaha ayaa mid mid u kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay gurigan waxaana warbixin buuxda dayactirka lagu  wado gurigan ka dhagaystay G/Dhexe Ciise Maxamed C/raxmaan Madaxa Hoggaanka Dhismaha Ciidanka Asluubta  waxaana uu sheegay in  Mar xalado  kala duwanaa uu soo maray dhismaha Taliska.

Sareeye Guuto Mahad C/raxmaan Aadan  ayaa sheegay in Taliska uu diyaariyey qorshayaal dib loogu dayactirayo Xarumihii Ciidanka asluubta uu lahaa ee ku burburay dagaaladii sukeeye ee dalka ka dhacay.

Gen Mahad C/raxmaan  ayaa xusay in dayactirka kadib dhowaan loo soo guuri doono  Taliskan waxaana uu xusay in la diyaariyey dhammaan qalabkii xaruntan.

W/Q:  Mohamed Ali Yonis