Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Puntland oo Heshiis kala Saxiixday

December 12, 2019 (AO) – Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis wada shaqayneed oo ogolaanaya in Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta ay xafiis ka furato Maamulka Puntland, si ay ugu fududaato arrimaha gargaarka bini’aadantinimo ee ay ka fuliso Puntland.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa saxiixay heshiiska wadashaqayneed Maamulka Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka, dhinaca Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxaa heshiiskan u saxiixay Xoghaya Guud ee Hay’addaasi Maxamed Ateeq Al-falahi.

Puntland ayaa asbuucyadan ka shaqeynaysay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada Puntland, waxaana jira Guddiyo Dowladdu u saartay arrimaha Gurmadka dadka ay roobabku saameeyeen.

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ayaa Xafiis ka furanaysa Puntland wuxuuna ka mid noqon doona xafiisyada Dowladda kala shaqaynaaya arrimaha gargaarka bani’aadanimo, waxaana wafdigii ugu horeeyey ee xafiiskaasi ka socda uu maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.