Kenya oo sheegtay in 5 Carruur ah ay ka badbaadisay Al-shabaab

December 14, 2019 (Awdinle Online) –Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay badbaadiyeen sharn carruur ah oo la doonayay in lagu biiriyo dhaq dhaqaaqa AL-shabaab Gobolka Siaya ee dalkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Siaya Michael ole Tialal, ayaa sheegay in shanta Carruurta ah laga hortagay in ay ku biiraan AL-shabaab kaddib markii la helay xog la xiriirta in halkaas lagu qorayay.

Hay’adaha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay laba Nin oo midkood degganyahay degganyahay Busia looga shakiyay in ay arrintan ka shaqeynayeen baaaritaanna ku socdo.

Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in sidoo kale Hay’adaha sirdoonka Kenya ay ka warhayaan laba Carruur ah oo sanadkii hore u baxsaday dalka Tanzania kuna biiray AL-shabaab.

Shanta carruurta ah ee la badbaadiyay ayaa waxaa lagu qabtay Gobolka Homa Bay, iyaga oo ku wajahnaa Soomaaliya.

“Ninka la tuhmayo in uu Al shabaab Dhallinyarada uga qoro degaankaas ayaa sanado ka hor qaatay Diinta Islaamka,waxaa uu tababar u aaday Soomaaliya kaddibna dib uyuu ugu laabtay Kenya isaga oo qaabilsan qoridda dhallinyarada” ayuu yiri Guddoomiye Tialal.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com