MA ISKU ARAGTAY DHABAR XANUUNKA JOOGTADA AH

December 14, 2019 (Awdinle Online) –Dhabarka xanuunka noocaan ah waa mid joogto ah oo uu mar walba uu qofku uu dareemo siiba xiliyada oo qufacayo ama uu foorarsanayo ama uu hindhisayo mararka qaarna uu xanuunku u gudbo qaybaha hoose ee jirka bowdyaha ama barida ilaa cirirbta lugta iyada oo uu qofku dareemayo xanuun qod-qodxo oo kale ah in ay mud mudayaan.

Dhabar xanuunkaan waa cillad lafdhbarta ugaar ah, qofka bini’aadanka lafdhbartiisu waxay ka kooabn tahay 33 laf oo afka soomaaliga lagu dhaho “Ricir” ama “Xaroor”, labadii xaroorba waxaa u dhaxeeyo carjaw wareegsan “Saxuun” afka qalaadne lagu yiraahdo “Disc”

Suxuuntaan ayaa difaac u ah Xungulaha oo isagu dhex yaala la dhabarta toosna ugu xiriirsan Maskaxda qofka waxa uuna dareensiiya jirka oo idil,

Waxaana ka farmaca ama ka abuurma xungulaha dhamaan neerfayaasha jirka dareenka siiya masuulna ka ah dhaqdhaqaa jirka hadii uu dhaawac gaarana xungullahaas uu qofka khatar ugalo in uu qaybaha hoose jirka ay dareenka waaayaan baralis.

meesha uu qofka xanuunka ka dareemayo waxay tilmaan ka bixinaysaa ricirta ama saxniga dhaawaca qofkaasi ka gaaray.

Disc kigaas ayaa waxaa ku dhacaya isbadal ama cilad noqon karta in uu booskiiska kasoo dhaqaaqay ama uu bur-burey ama uu kor usoo baxay taas oo cadaadis soo saareysa xungullaha oo ah jiridda ay neerfayaasha lafdhabarta ay kasoo farcamaan.

Cadaadiskaas xungullaha la soo saarey ayaa keenaya Astaamaha xanuunka lafdhabarta ka soo bilaabanaya ilaa ciribta gaaraya lana dareemayo marka la qufuco, la foorarsado, la hindhiso ama adiga oo aan xitaa intaasba sameyn aad dareemi karto xanuunkaan.

Inta badan xanuunkan waxa uu kusoo bilowdaa si aayar aayar ah ilaa uu gaaro bowdada barida ilaa lugta hoose xanuunku waxa uuna dareemayaa qofku xanuun daran oo uu moodayo marka uu faroorka kasoo kaco in uu dhabarku ka harey,
Dadka qayb waxaa u raaca kabuubyo oo lugaha ama gacmaha laga dareemayo.

MAXAA KEENI KEENI KARAA CILADAHAAN CARJAWDA LAF-DHABARTA KU YIMAADA.

– jug ka gaartey qofka dhabarka.
– wax aad u culus oo uu qaadey.
– caabuq ku dhacay lafdhabarta
– jimicsi aan habooneyn oo aad sameyso.
– cirbad si khalad ah lagaaga duro dhabarka.
– caabuqa ku dhaca kala goysyada in uu horey kuugu dhacay
– in lagaaga joog-joogsado dhabarka ayaa kugu keeni karta.
– in aad aad u cayisho siiba caloosha aad ka cayilantahay ayaa cadaadis saari karta suxuunta lafdhabarta.
– in aad tahay qof in badan taagan maalintii ayaa kugu keeni karta.
– in aad si khaldan aad u fariisato oo aad dhabarkaada qaloociso mar walba ayaa kugu keeni karta.
– in aad inbadan foosha aad ku daahdo ayaa iyaduna kugu keeni karta.

Cilidahaan kuwo kamid ah hadii aad sameyso waxaad khatar ugu jirtaa xanuunkan fadlan badal dabeecadahaas hadii aad leedahay.

SIDEE LAGU OGAADAA XANUUNKAN IN AAD QABTO?

Inta badan dhakhaatiirtu horey kama ogaadaan xanuunkaan qofka uu ku dhacana inbadan ayuu iskaga daba laab laabtaa dhakhaatiirta ilaa uu iska qanco,

Xanuunkan dhakhtarku waxa uu ku ogaan karaa wareysi qoto dheer uu la yeesho qofka bukaanka ah dabadeedna uu sawir raajo ama MRI uu ka qaado laf dhabarta sidaasna uu ku ogaado nooca haya ee xanuunkan ah.

SIDEE LOO DAAWEEYAA XANUUNKAN?

In lagu daaweeyo waxa ay ku xirantahay in la ogaado nooca dhabar xanuunka aad qabto dabadeed marka la cadeeyo dhabar xanuunkaadu in uu yahay cilad ku timid suxuunta la dhabarta ayuu dhakhtarkaadu kuu qorayaa daawooyin dabcinaya murqaha ku hareereysan la dhabarta, daawooyin dhaawaca ka ilaalinaya neerfayaasha iyo daawooyin xanuun baabi’iyaal ah.

Waxaa jirta cirbad Lidocaine loo yaqaano oo dhakhtarku uu dhabarka kaaga duraya ahna cirbad aad u faaiido badan oo yareysa xanuunkaas una baahan in uu kugu daro dhakhtar khibrad u leh cirbadaas.

Sidoo kale dhakhtarka ayaa kuu sameyn kara “physical therapy” oo ah in masaaj si cilmiyeysan loogu sameeynayo meelaha ciladu ay ka jirto ee dhabarka si loo dabciyo cadaadiska saaran neerfaha dabadeed uu xanuunku u yaraado.

Dadka qayb badan oo kamid ah kuma caafimaadaan daawooyinkaas suxuuntooda oo aad cadaadis u saartey neerfayaasha awgeed dadkaas waxaa loo sameeyaa qaliin cadaadiska looga yareenayo neerfaha si xanuunku u yaraado waxa uuna u baahanyahay qaliinkaasi dhakhtar aad u foojigan oo cilmi badan u leh qaliinkan maadaamo qalad yar oo uu dhakhtarku galo ay keeni karto in uu qofku baralis noqdo ayna dhumaan dhamaan dareemayaasha jirka qaybta hoose.

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA XANUUNKAN.

Ha qaadin wax culus.
Dhabarkaadu ha toosnaado mar walba oo aad fariisato.
Cayilka badan iska ilaali siiba kan caloosha fuula.
Ha cabin wax sigaar ah iskana jooji.
Si kadis ah hal mar ha u foorarsan
Jimicsi qaldan oo aadan aqoon u lahayn hasameynin Biro culusna ha qaad qaadin.
Wax badan ha taagnaanin.

Intaan hadii aad sameyso waxaad ka hortagi kartaa xanuunkan oo waayadaan danbe dhalinyarada iyo dadka waaweynba aad ugu soo badanaayey.

 Dr amen