Madaxwaynaha cusub ee Algeria oo ku baaqay in la joojiyo dibad-baxyo

December 14, 2019 (Awdinle Online) –Abdelmadjid Tebboune Madaxwaynaha cusub ee dalka Algeria ayaa ku baaqay in lajoojiyo dibad baxyada xoogan ee looga soo horjeedo dowladiisa cusub.

Tobannaan kun oo qof ayaa iskugu soo baxay waddooyinka caasimadda Aljeeriya ee Aljeris, iyagoo ka mudaharaadaya natiijooyinka doorashadii madaxtinimada ee Khamiistii la qabtay.

Waxa ay ku qeylinayeen hal ku dhegyo ay kaga soo horjeedaan ninka doorashada ku guulaystay, waa ra’iisul wasaarihii hore Abdelmadjid Tebboune, kaas oo hore daacad ugu ahaan jiray hogaamiyihii xilka laga qaaday Abdelaziz Bouteflika.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay dalbanayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro qaabka ay ku dhisan tahay siyaasadda dalkaas.

Khamiistii, dibadbaxayaasha ayaa si kooban waxa ay ula wareegeen goob ay dadku codkooda ka dhiibanayeen oo ku taal magaalada Aljeris. Iskuday uu boolisku ku doonayay inuu dadkaas farada badan ku kala kaxeeyana waa uu guuldarraystay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com