Madaxweyne Farmaajo oo kulan la Qaatey Guddiga Dhex Dhexaadinta Soomaaliya & Soomaaliland

December 14, 2019 (AO) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatey Guddiga dhex dhexaadin Soomaaliya iyo Soomaaliland ee uu Madaxweynuhu magacaabey horaantiis sanadka 2019.

Madaxweynaha ayaa xog wareysi gaar ah la sheegey maanta Guddiga, wuxuuna ka xog wareystey qaabkii loo wajihi lahaa sidii sii wadida wada hadaladii ay dowladii hore kula jirtey maamulka Soomaaliland.

Guddiga ayaa Madaxweynaha u sheegey inaaney weli wax talaabo ah u qaadin arintii loo xilsaarey, sababtuna waxaa ay ku sheegeen in ay cariiri ku noqotey sidii ay u gudan lahaayeen howsha loo magacaabey.

Guddiga ayaa si bareer ah Madaxweynaha ugu sheegeen au dowladda federaalka ah diyaar u aheyn arinta wada hadalada in la sii wado.

Ugu dambeyn madaxweyne Farmaajo ayaa guddiga ka codsadey in ay keenaan qorshey cusub oo arinta loo xilsaarey horumarin kara.