Caasimadaha Muqdisho iyo Dooxa oo Heshiis kala Saxiixdey

December 15, 2019 (AO) – Dowladda Hoose ee Magaaladda Dooxa iyo Dowladda Hoose ee Magaaladda Muqdisho ayaa kala saxiixdey heshiis dhicayo badan leh oo muhiimadiisu tahay iskaashi laba caasimadood ee Muqdisho iyo Dooxa.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ayaa ku heshiiyey in Maamulka Caasimadda Dalka Soomaaliya laga caawiyo todoba arimood oo muhiim ah.

Heshiiska la kala saxiixdey ayaa ahaa in caasimadda dalka soomaaliya laga caawiyo sida xoos ku xusan.

1. Gaadiidka nadaafadda
2. Gaadiidka dab damiska
3. Dib u dhiska xaruumaha muhiimka ah
4. Faya dhowrka iyo Caafimaadka
5. Tababaradda Shaqaalaha xirfadleyaash ah
6. Dib u naqshadeynta Caasimadda
7. Diiwaan gelinta dadka iyo guriyaha oo IT ah

Duqa magaalaadda Dooxa Sheikh Jamal Madar iyo dhigiisa Cumar Finish ayaa si wada jir ah u saxiixey heshiiska, waxaa la rajeynaayaa in lagu faahfaahiyo warbaahin maamulka gobalka banaadir.

Sida la wada ogsoon yahayba waxaa horey u jirey ilaa 56 mashruuc oo dowladda Qatar iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay wada saxiixdeen, hase ahaatee badankood aan weli la fulin.