Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib u laabtay Kismaayo

December 16, 2019 (AO) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaar ah ee Dowlad goboleedka Jubbaland ka dib safar shaqo oo uu dalka dibadiisa ugu maqnaa muddo 20 cisho ah.

Madaxweyne ku-xigeenka 2aad ee Jubbaland, labada gole ee Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadley qeybta nasashada ee garoonka halkaas oo uu si kooban uga warbixiyey safarkiisa shaqo iyo waxyaabihii u soo qabsoomey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu inta uu ku sugnaa magaalada Nairobi uu kulamo kala duwan la qaatey Beesha caalamka, Saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo madaxda dalka aan dariska nahay ee Kenya dhamaantoodna kala hadley arrimo quseeya Amniga, Siyaasadda iyo sidii xalwaara looga gaari lahaa khilaafka DFS iyo Dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa si kooban uga hadley xaalada gobolka Gedo iyo tallaabooyinka uu sheegay in lagu carqaladeynayo amniga iyo Dowladnimada dalka ee ay DFS ka wado halkaas, kuwaas oo uu sheegay inaysan natiijo ka gaari doonin haddii aysan wado wanaagsan u soo marin kana waantoobin baalmarka dastuurka dalka u yaala sida uu hadalka u dhigay.

“xaalada Soomaaliya hadda uma baahna anaa idhi iyo sidaan rabaa socon, ee xalka ay u baahantahay uu yahay wadatashi iyo in isfaham rasmi ah lagaga gaaro waxkasta oo la isku qabto” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Madoobe.