Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Gaaray Furimaha Dagaalka Gobalka Sh/Dhexe

December 17, 2019 (Awdinle Online) – Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guudto Maxamed Cali Bariise ayaa Booqday Fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Degaanka Xaaji Cali ee Hoostaga Degmada Cadale Gobolka Shabellada Dhaxe.

Taliye ku-xigeenka ayaa Mid Mid u kormeeray Fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin degaanka Xaaji Cali, wuxuuna  sidoo kale kulamo laqaatay odayaasha dhaqanka deeganka iyo Ciidanka Iskood isku abaabuley ee Macawiisleyda oo ladagaalama Maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka General Maxamed  Cali Bariise waxa uu Saraakiisha Macawiisleeyda uu la kulmay uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka nabadiidka looga saarayo Gobolka Shabellada ,gaar ahaan degaanada iyo degmooyinka Hoostaga gobolkaasi.