Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Gaaray Kismaayo

December 17, 2019 (AO) – Magaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee Maamul Gobaleedka Jubbaland ayaa Maanta waxaa booqdey wafdi balaaran oo ka socda beesha caalamka waxaana hogaaminaayey Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka irsan Maamulka Jubaland iyo xubno kale oo ka socdey hay’adaha ajinabiga ah.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya u tegay Magaalada Kismaayo tan iyo markii dib loo soo doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.