Calaamadaha lagu garan karo Uurka

CALAAMADAHA U HOREEYA EE AAD KU OGAAN KARTO IN AAD UUR LEEDAHAY.

ASBUUCA 1aad ilaa KAN 4aad

Waxa aad isku arkaysaa hadii aad uur qaadey xanuun yar oo wareega ah iyo dhibco yar yar oo dhiig ah oo hoos ka yimaada.

ASBUUCA 4aad

Asbuucan 4aad oo aad sugeysey Caadada ayaa weyn doontaa oo aanba kuu imaanayn hadii aad uur qaadey.

ASBUUCA 4aad ilaa kan 6aad

Waxaad dareemeysaa Daal aad u faro badan,
Lalabo, matag,dibiro, kaadi badan oo ku xanuujineysa iyo sidoo kale ibta naasaha oo ku xanuunta.

ASBUUCA 6aad

Dabeecadaada oo isbadasha iyo heer kulka jirkaada oo siyaada.

ASBUUCA 8aad

Waxaa siyaadaya cadaadiska dhiiggaada.

ASBUUCA 9aad

Waxaad dareemeysaa Daal faro badan iyo iyo laab-jeex.

ASBUUCA 10aad

Wadno garaac saaid ah ayaa kugu soo kordhaya.

ASBUUCA 11aad

Waxaad isku arkaysaa Naaska iyo ibtiisa oo isbadasha, faruurac ama nabro wajiga ka soo yaaca iyo miisaankaada oo siyaada.

ASBUUCA 12aad

Asbuucaan toos ayaad uga dareemeysaa calooshaada in aad uur leedahay marka aad kor ka eegto iyadoo xitaa aad isku arkayso markaas calaamadihii walaca.

Fadlan hadii aad ka faa’iideysatey mowduucaan uga faa’iidee asxaabtaada oo u SHARE garee si ay gaarto faa’iidadaan.

W/Q Dr amen