Akhriso Warqadii Dhalisay Colaadda Wasiir Khadiijo iyo ku-xigeenkeeda

December 20, 2019 (Awdinle Online)  – In kastoo uu mudo dheer soo jiitamaayey khilaafka Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga, hadana waxaa jirey dhibaatooyin uu war walba dacwad uu ka ahaa Wasiir ku-xigeenka.

Dacwadda ayaa waxaa dhowr jeer la hor geeyey Ra’iisul Wasaaraha si uu u kala dhex galo xalna uu uga gaaro isfaham la’aanta iyo wada shaqeyn xumadda dhextaala wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka.

Sida la sheegey wasiir ku-xigeenka oo muujiyey samir iyo dulqaad dheeri ayaa sabab u aheyd baa la yiri in mudo ku dhow sedax sano uusan wax buuq ah ka soo yeerin wasaaradda.

Hase ahaatee waxaa ay talo faraha ka baxdey markii Wasiirka ay warqad u qortey agaasimaha guud ee wasaaradda si uu u noqdo kusime in ay wasiiradu maqan tahay.

Halkan hoose ka akhriso warqadda