Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug oo la xareeyay

December, 20, 2019 (AO) – Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa ka soconaya qabanqaabadii ugu danbeysay soo xulista xildhibaannada cusub ee ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Guddiga Farsamada Maamul u dhisidda Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka cusub ee doorashada Galmudug, ka dib markii uu dib u dhac ku yimid jadwalkii doorashada ee horey loo dajiyay arimo is qab qabsi dhanka qabaa’ilka ah aawgees.

Xalay waxaa magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweynayey Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug, isla markaana uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

24 December ilaa 30 December ayaa lagu wadaa in Odayaasha saxiixayaasha ah ugu danbeyntii soo gudbiyaan Liiska  Xildhibaanada,waxaana fadhiga ugu horeeya uu Baarlamaanka cusub yeelan  doonaa 31 Dec oo ah maalinta dhaarinta Baarlamaanka Labaad ee Galmudug.

Jadwalka cusub ee lagu dhawaaqay ayaa dhigaya in doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Galmudug ay dhacayso sagaalka bisha January ee sannadka 2020.