Uganda oo Taliye cusub u soo magacawday Ciidankeeda Soomaaliya

December 21, 2019 (AO) – Dowladda Uganda ayaa taliye cusub u magacawday Ciidamadeeda ku jira AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya.

Taliyaha cusub oo durba xilka la wareegay ayaa u mahadceliyay Taliyayaasha kaga horreeyay howlgalka AMISOM iyo Madaxda Ciidanka Difaaca Uganda ee isaga u magacaabay.

General Richard Otto, ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Uganda ee ku jira AMISOM, waxaana uu xilka kala wareegay General Michael Kabango oo mudo sanad ah shaqeynayay.

General Peter Elwelu, oo ah Taliyaha guud ee Ciidanka dhulka ee dalka Uganda ayaa Taliyaha cusub ku sifeeyay in uu yahay nin khibrad u leh dagaalka ka socda Soomaaliya kuna kalsoonyihiin in u guul ka gaari doono.

Sidoo kale Taliyaha xilka wareejiyay General Michael Kabango, ayaa sheegay in Taliyaha cusub uusan xilkan u gelin olole hayeeshee ay hoggaanka UPDF u garteen in uu yahay nin ka bixi kara shaqada adag ee taalla Soomaaliya.

Dowladda Uganda waxaa Soomaaliya hadda ka jooga Ciidamo gaaraya ilaa 6000 oo Askari kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa soo caga dhigtay 7dii March 2007dii xilligaas oo Ciidamo Itoobiyaan ah ay Magaalada Muqdisho ka saareen Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed