Waa kuma Maareeyaha Cusub ee Golaha Murtidda iyo Madadaalada Qaranka?

December 21, 2019 (AO) –  Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday maareeyihii Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Wasiir Maareeye ayaa waxaa Maareeyaha Cusub ee Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka loogu magacaabay inuu noqdo Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf Shube.

Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa xilka Maareeyaha Golaha Murtida Qaranka haayay muddo 8-bilood ah, isagoona xilkaas bedelay Abwaan Guure.

Akhriso Warqada Magacaabidda