Golaha Shacabka oo Su’aalo Weydiinaya Wasiirada Caafimaadka iyo Gargaarka

December 22, 2019 (AO) – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya mid ka mid ah kulamadooda ay todobaadyadan kula xisaabtamayaan wasiirrada ku jira Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Maanta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa hortagaya labo ka mid ah Wasiirradaas oo kala ah Caafimaadka iyo adeegga Bulshada iyo Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka.

Xildhibaannada ayaa inta badan su’aalo la xiriira howlaha Wasaaradaha weydiiya wasiirrada looga yeero kulanka Golaha shacabka.

Horay waxaa ay Xildhibaannada Golaha shacabka u yeereen oo hortagay Wasiirrada Amniga, Gaadiidka, Gaashaandhigga, Warfaafinta, Taliyaha Ciidanka Milatariga iyada oo maantana labada wasiir ay hortagayaan.

Golaha shacabka ayaa billaabay wax ay ku sheegeen la xisaabtanka Xukuumadda iyada oo wasiirrada inta badan wax laga weydiiyo shaqada wasaaradaha iyo qaladaadka ku jira ee aysan bulshada ka warqabin.